Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»XOG: Yaa ka danbeeyay Gawaaridii lagu xardhay Sawirrada Madaxweynaha & Ra’iisal Wasaraha ee xuska 14-ka Oktoobar?

    XOG: Yaa ka danbeeyay Gawaaridii lagu xardhay Sawirrada Madaxweynaha & Ra’iisal Wasaraha ee xuska 14-ka Oktoobar?

    October 15, 2019Updated:October 16, 20192 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dood weyn oo ka dhalatay laba gaari oo lagu xardhay sawirrada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, laguna soo bandhigay xuskii xasuuqii Soope iyo sanadguuradii qaraxii 14- Oktoobar 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay inay iska fogeyso Madaxweynaha Soomaaliya.

    Afhayeenka Madaxtooyada Somalia ayaa dafiray in Madaxtooyada ay wax ka ogeyd gawaaridaasi, wuxuuna dusha u saaray dadkii falkaasi sameeyay, wuxuuna qoraal kooban ku dhaliilay arrintan sida weyn loogu cambaareeyay baraha bulshada, waxaana qoralkiisa ka mid ahaa : “Qoladii maanta baabuurta kusoo buufisay sawirrada madaxda qaranka waxay isu haysteen inay wax hagaajiyeen. dhaqamada liita waa in la baabi’iyaa”

    Raadraac aanu ku sameynay labadaas gaari ayaa lagu ogaaday inay lahaayeen degmooyinka Wadajir iyo Hodon ee maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ogaa guddoomiyaha G/banaadir Cumar Maxamud Maxamed oo khudbadiisii uu ka jeediyey halkaasi ku tilmaamay sawirradaaasi inay muujinayaan naxariista madaxda dalka.

    Sawirrada labada gaari lagu xardhay ayaa ahaa madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo dhiig u shubaya dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoope, laakiin waxaa lagu tilmaamay dayaacad iyo xayeysiin aan qabanin munsaabad lagu xusayo geerida dad ka badan 600 qof.

    Waxaa kaloo la ogaaday inaysan ahayn markii ugu horeysay ee sawirro noocan ah lagu soo bandhigo sawirro noocan oo kale ah, xuskii 14-ka Oktoobar ee sanadkii hore 2018 sidan oo kale lagu soo bandhigay sawirka Ra’iisal wasaaraha oo gaari ku xardhan, iyadoo dad kooban ay ka hadleen, waxaana la yaab lahayd in Boor weyn oo goobta kasoo horjeeda la suray sawir madaxweynaha Soomaaliya lagu xardhay iyadoo ay ku qoran yihiin ereyo mahadcelin shacab ah.

    SAWIRKA xuska 14-ka Oktoobar 2019
    sawirii xuska 14-ka Oktoobar 2018

    Labada degmo iyo maamulka G/banaadir waxa saameyn ku leh kooxda ‘XOOGAGGA WADANIYIINTA’ ee sida tooska ah u hoos tagta xafiiska Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo ah koox u abaabulan ololaha madaxweynaha laguna sheego inay la mid yihiin ‘Guul-wadayaashii’ Kacaanka.

    HOOS KA DAAWO MUUQAALKA XUSKII SANADGUURADII KOOWAAD EE 14 OKTOOBAR

    14 Oktoobar Farmaajo Kheyre Top Xuska 14 Oktobar
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Madaxweynaha Puntland oo ka hor yimid Shir ay Kismaayo ku yeelan lahaayeen Siyaasiyiinta Mucaaradka…
    Next Article Madaxweynaha Turkiga oo ku gacan seyray Cadaadis & Cunaqabateyn uga timid Mareykanka & Midowga Yurub

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo