Guddiyada Doorashada heer Federaal, heer maamul Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadka ayaa shalay 30-kii June 2021 tababar looga furay magaalada Muqdisho, kadib markii la kala saaray dibna loo habeeyay.
Guddiga ugu muhiimsan ee Doorashada dadban 2021 ee Heer federaal oo ka kooban 25 xubnood ayaa hadda la hadal hayaa cidda guddoomiye u noqon doonta, kadib markii meesha ka baxeen qaar ka mida xubnihii hore ee la isku shaandheeyay.
Xogta la helay ayaa sheegeysa inuu mar kale xilka guddoomiyaha Guddiga u sharxan yahay guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Maxamed (Cirro), balse uu loolan adag kala kulmayo xubin cusub oo dib uga soo biirtay guddiga, kaasoo lagu magacaabo Maxamed Muuse Maxamud oo la sheegay inay wadato Madaxtooyada.
Xilka Guddoomiyaha Guddiga Doorashada heer federaal oo muhiim ah ayaa waxaa si weyn u daneynaya Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo oo doonaya inuu saameyn ku yeesho Doorashada.
Musharaxa ay sida hoos ahaanta u wato Maxamed Farmaajo ee uu doonayo in loo doorto Guddoomiyaha Guddiga Dorashada heer Federaal oo ah Maxamed Muuse Maxamuud, waxaa sidoo kale la yaab noqotay inay taageerayaan Ra’iisal wasaare Rooble iyo Wasiirada ku dhow.
Wararka ayaa sheegaya in musharaxan ay markii hore soo diyaarsatay Madaxtooyada Soomaaliya iyo kooxda Maxamed C/llaahi Farmaajo, kadibna la arkay iyadoo ay sidoo kale wataan xubnha u dhow Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxtooyada oo hore u taageersaneyd guddoomiyihii hore Maxamed Xasan ayaa la sheegay inay ku qoonsatay dhexdhexaadnimadii uu muujiyey intii uu hayey xilka guddiga la isku khilaafsanaa, iyadoo hadda riixeyso xubinta cusub ee Maxamed Muuse Maxamuud.
Loolanka hoggaaminta Guddiyada Doorashada iyo xalinta khilaafaadka heer federaal ayaa gaaray dowlad Goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland oo doonaya inay helaan guddoomiyeyaasha ama ku xigeenada laba guddiyada Doorashada ee heer federaal.
Ra’iisal wasaare Rooble oo marar badan sheegay inuu dhexdhexaad ka yahay doorashada, ayna u siman yihiin Farmaajo iyo madaxda kale ayaa la ogaan doonaa sid uu ugu hoggaansamo rabitaanka Maxamed Farmaajo.
Rooble ayaa ku dhiiran waayey inuu Guddiga Doorashada ee Somaliland ka saaro xubno la caddeeyay inay ka mid yihiin shaqaalaha dowladda oo uu watay Farmaajo, taasoo ilaa hadda ah arrinta caddeynta u ah inuu weli u nugul yahay dhinaca Madaxtooyada
