Waxaa magaalada Muqdisho soo gaartay Yusur Aadan Abraar oo ka mida shaqsiyaadka oo hore muddo kooban u soo noqotay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaalia ayaa Muqdisho soo gaartay.
Wararka ayaa sheegaya in Yusur xil sare looga magacaabi doono xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo Golaheeda wasiirada la filayo in dhowaan lagu dhawaaqo.
Yusur oo dowladii hore ee Xasan Sheekh caqabad weyn ku noqotay markii ay sheegtay musuq baahsan oo ka jira habka maamulka maaliyadda Soomaaliya ayaa kasoo shaqeysay Bankiyo iyo hay’ado maaliyadeed oo caalami ah.
Xilka loo magacaabayo ayaa lagu wadaa inuu noqon doono xilkii ay hore isaga casishay ee Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, halka warar kale sheegayaan inay noqon doonto Wasiirka Maaliyadda.

Imaanshaheeda Muqdisho ee xilligan ayaa loo arkaa tallaabo weyn oo hore loo qaaday si xukuumadda cusub loogu soo daro dad nadiif ah oo bedeli kara magac xumida weyn ee dowlada Soomaaliya ka heysata dhinaca musuqmaasuqa.
Wadani.com