Xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhex taagan dalalka Somalia iyo Kenya, kadib markii dowladda Kenya ay dalkeeda kasoo ceyrisay safiirkii Soomaaliya ayaa faafhaahin kale laga helayaa, iyadoo aan ku koobneyn arrinta muranka xuduudka Badda labada dal ee Kenya ay sheegatay.
Sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee magaalada Nairobi kasoo baxa madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku khilaafay xilka madaxweynaha maamulkaa Jubbaland ee Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kaasoo saaxiib dhow la ah Kenya oo dooneysa inaan xilkiisa la taaban oo mar kale uu sii ahaado madaxweynaha Maamulka Jubbaland.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu ka hor yimid dalabka madaxweynaha Kenya ee ah inuu xilkiisa sii hayo Axmed Madoobe, taasoo keentay in madaxweynaha Uhuru Kenyatta uu magaalada Muqdisho u soo diro wafdi odayaal iyo siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda Soomaalida Kenya si ay Farmaajo ugu qanciyaan inuu aqbalo Axmed Madoobe, laakiin Madaxweyne Farmaajo ayaa Kenya ka dalbatay inay la timaado musharax kale oo aan ahayn Axmed Madoobe.
Kenya ayaa si buuxda u taageersan Axmed Madoobe oo ay u aragto inuu muhiim u yahay danaheed Jubbooyinka ay ka leedahay, iyadoo madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa ay doonayaan inuu xilka banneeyo marka uu waqitigiisu dhammaado aakhirka sanadkan.
Xiisadda u dhaxeysa labada dal oo ay abuurtay Kenya iyo damaceeda ah inay qeyb ka mida Badda Somalia qaadato ayaa hadda maraya heerkii ugu xumaa iyadoo madaxda Soomaaliya looga digayo inay u tanaasulaan Kenya.
Waanwaan oo muddooyinkan danbe magaalada Nairobi u joogay taliye ku xigeenka NISA Fahad Yaasiin oo ku saabsan arrinta Axmed Madooba ayaa iyaduna fashilantay.