Xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska Boris Johanson oo maanta Muqdisho ku yimid socdaal saacado qaatay ayaa ku dhawaaqay ujeedada booqashadiisa.
Kadib kulan uu magaalada Muqdisho kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in socdaalkiisu la xiriiray arrimaha abaaraha iyo deeq UK ku dhawaaqayday inay u qoondeysay oo dhan 10 Milyan oo Geni.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka ayuu Boris Johanson ku sheegay inay magaalada Muqdisho uga dhawaaqeen isaga madaxweynaha Soomaaliya shirka arrimaha Soomaaliya inuu London ka dhici doono 11- ka May ee sanadkan 2017.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan aniga iyo Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqno shirka London ee arrimaha Soomaaliya inuu qabsoomi doono 11-ka May” ayuu qoraalkiisa ku yiri Mr. Johanson oo sii raaciyay in shirku taageeri doono nabadda mustaqbalka ee Soomaaliya.
GOOBJOGE.COM