Xoghayaha Arrimaha dibadda dalka Mareykanka, John Kerry, ayaa goor dhoweyd kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo ammaankiisa aad loo adkeeyay ciidamo Mareykan ahna la soo dhoobay.
Socdaalkan oo hore aan rasmi ahaan loogu shaacin ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo mas’uul Mareykan ahi ku yimaado magaalada Muqdisho muddo Rubuc qarni ah.
Kerry ayaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kulmi doona madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiiid iyo madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubba iyo K/Galbeed.
Waxaa garoonka ka bilowday wadahadalkii madaxda Soomaalida iyo wafdiga John Kerry iyadoo arrimaha looga hadlayo ay ka mid yihiin hiigsiga cusub, horumarka laga gaaray nabadeynta iyo kooxda Alshabaab iyo taageerada Mareykanku siinayo Soomaaliya.
Wadani.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]