Xoghayaha Gaanshaandhiga Mareykanka ayaa war cusub kasoo saartay duqeyntii 28-kii September ka dhacday bariga Gobolka Mudug oo lagu dilay askar ka tirsan Galmudug.
Xoghayaha Gaashaandhigga Dowladda Mareykanka Ashton Carter oo shir jaraa’id ku qbatay Hawaii ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay sameyn doonto baaritaan dheeraad oo ku saabsan duqeyntaasi.

Wuxuu Ashton Carter intaas ku daray in dowladda Mareykanku ay wado baaritaano ku aadan in howgalka lagu dilay ciidamo ka tirsan dowlad goboleed Galmudug iyo in kale, baaritaankaasina ay ka war sugayaan wixii ka soo baxa.
Go’aanka cusub ayaa ee Mareykanka ayaa yimid kadib cadaadis xoog leh iyo dacwad loo gudbiyay oo ku saabsan falkii duqeynta ahaa ee ay ka geysteen Gobolka Mudug.
Wadani.com