Xoghayaha Guud Hay’ada Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa soo dhaweeyay go’aanadii ka soo baxay shirkii Madasha Qaran ee Muqdisho,
wuxuuna ugu yeeray hogaamiyeyaasha Soomaalida inay k dhabeeyaan xilliyada ay u qabteen inay dhacaan doorashooyinka oo ay fuliyaan balantooda.
“Geedi socodka doorashada 2016 ee Soomaaliya waxay muhiim u tahay safarka dheer oo ay Somaaliya ku gaarayso dimoquraadiyada” ayuu yiri afhayeenka xogayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee warkan ka soo saaray.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa u jeediyay Guddiga Doorashada iyo hogaamiyeyaasha Soomaalida ugu baaqay inayy xaqiijiyaan 30% in kuraasta Baarlamaanka labada aqal la siiyo haweenka, wuxuuna uga digay hogaamiyeyaaash Soomaalida tallaabo kasta oo keeni karta dib udhac ku yimaada doorashada.
http://goobjooge.com/statement-attributable-spokesman-secretary-general-somalia/
Wadani.com