Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland lagu xiray Xoghayaha Xafiiska Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.
Xariga xoghaye C/qani Yaasiin Maxamed ayaa waxaa xaqiijiyey ehelkiisa magaalada Hargeysa, kadib markii ay xalay magaalada Hargeysa ka qabteen ciidamada Booliska Somaliland, waxaan la sheegay in xoghayaha uu Hargeysa u tegay arrimo qoys, balse uu la kulmay xarig.
Somaliland ayaa is joogto ah u xirta dadka kasoo jeeda maamulkaasi ee xilalka ka qabta dowladda Soomaaliya ama taageera midnimada Soomaaliya, waxaana marka danbe ay ku dhammaataa cafis iyo in qaab beeleed loo xaliyo.