Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanka oo shaqada laga joojiyey, kadib markii uu wasiirka Wasaaradda ku soo eedeeyay qoddobo dhowr ah ayaa ku gacan seyray shaqo joojinta lagu sameeyay.
Jamaal Qaasim Mursal oo ah xogheyaha joogtada ah ee Wasaaradda Batroolka ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabada uu shaqada uga joojiyey Wasiir C/rashiid Maxamed Axmed, wuxuuna caddeeyay inuu xilkiisa sii wadanayo oo aanu wasiir awood u lahayn arrintaasi.
“Aniga waxaa isoo magacaabay Ra’iisul wasaare, Saddex sano ayaan joogaa wasaaradda Batroolka, shaqo badan ayaa soo qabtay ilaa maanta aan gaarsiinno halka ay joogto wasaaradda” ayuu yiri Xoghaye Jamaal Qaasim oo u warramay mid ka mida Idaacadaha Muqdisho.
Wuxuu intaasi ku daray in arrinta xil ka joojintiisa ay soo socotay muddo 3 bilood, wuxuuna yiri: “Wasiirka ayaa Wasaaradda keenay agaasime guud, isagoo leh waxaa isoo dhiibay madaxweynaha, waana amar madaxweyne, si khasab ahna ugu wareejiyey maamulka iyo maaliyadda wasaaradda, hadda agaasimahaasi waa joogaa, sifo sharci ah kuma joogo, ee rabitaan shaqsiga ah ee wasiirka ayuu meesha ku joogaa”.
Jamaal Qaasim Mursal ayaa ku doodaya inuu xilka uga tegi karo oo kaliya markii uu ka qaado ra’isul wasaaraha oo magacaabay, balse haddii aysan taasi dhicin uu shaqadiisa sii wadaan doono.