Wararka laga helayo Wasaaaradda arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa sheegaya in xoghay joogto ah loo magacaabay wasaaradan.
Wasaaraddan oo ay wasiir ka tahay Maryan Qaasim Axmed ayaa la sheegay in xoghaye joogto ah loo magacaabay nin lagu magacaabo Maxamed Moalim sida ay xaqiijisay wasiirka.
Xoghayaha cusub ee wasaaradda arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka loo magacaabay ayaa wararku sheegayaan inuu hore ula shaqeyn jiray wasaaradda arrimaha gudaha, kana mid ahaa dhalinta qurbaha ka timid.
Ma cadda cidda soo magacawday inuu yahay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo inay ku lug leedahay wasiir Maryan, wuxuuna xoghayaha cusub ka mid ahaa koox arrimaha abaaraha ka shaqeysa oo dhowaan la kulmay wasiir Maryan Qaasim.
Wadani.com