Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Xoghaye guud oo cusub u magacaabay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.
Wareegto kasoo baxday Guddoomiyaha Aqakja Sare ayaa Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed loogu magacaabay xoghayah guud ee Aqalka Sare, markii uu tixgeliyay aqoontiisa iyo waayo-aragtimadiisa shaqo.
Waxaa xilka Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare baneynaya oo xilka laga qaaday Cali Maxamed Jaamac oo xilkaasi hayey intii la dhisay Aqalka Baarlamaanka, kana soo jeeda Gobolka Sanaag, halka xoghayaha cusub uu kasoo jeedo Gedo.
