Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray xoghaye ku xigeenka Arrimaha dibadda Mareykanka ee dhinaca dhanka Siyaasadda, David Hale, kaasoo isla maanta la kulmay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
David Hale oo ah mas’uulkii ugu heer sareeyay ee muddooyinkan yimaada Soomaaliya ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha, iydoo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka lagula jiro argagixisada, Deyn cafinta, iyo dhismaha ciidamada Soomaaliyeed .
Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha iyo ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda ayaa looga hadlay deyn cafinta, la dagaallanka argagaxisa iyo dhismaha ciimadamada qaranka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo ku-xigeenka Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda ayaa kulankooda sidoo kale iskula soo hadal qaaday kaalinta Mareynkanka uu ka gaysanayo dadaallada dib-u-kabashada qaranka Soomaaliya.




