Xoghayihii Joogtada ahaa ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamad Abuukar Zubeyr oo ayaa xilkii iska casilay, isagoo qoraal dheer oo shaqo ka tegis ah u diray Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Is-casilaadda Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Reysul Wasaaraha ayuu qoraalkiisa ku sheegay inay tahay arrimo shaqsi oo isaga ugaara, wuxuuna caddeeyay inuu si weyn ugu mahad celinayo Ra’iisal wasaaraha iyo dadkii uu lasoo shaqeeyay.
Wararka ayaa sheegaya in dhowaan ay dhici doonaan isku shaandheyn iyo isbedello waaweyn oo lagu sameynayo Hay’adaha dowladda, siiba xilalka Golaha Wasiirada, Agaasimayaasha iyo Masuuliyiinta ee dowladda, iyadoo ay is-casili doonaan xubnaha xilalka laga qaadayo qaarkood.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in Xilkan Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha loo wado Kamaal Xasan Guutaale oo hadda ah la-taliyaha Ra’iisal wasaaraha.

