Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Xogta ku wareegsan Dilka C/Naasir Dahable oo meydkiisa laga helay Gurigiisa Muqdisho

    Xogta ku wareegsan Dilka C/Naasir Dahable oo meydkiisa laga helay Gurigiisa Muqdisho

    February 19, 2024Updated:February 19, 20243 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Geerida sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Duulimaadka Rayidka Soomaaliyeed oo xalay meydkiisa laga helay Guri uu deganaa oo ku yaala degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

    Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cabdinaasir Muuse Dahable ayaa xogta la helay sheegeysaa in dilkiisa uu ahaa mid khaarijin ah oo loo maleegay, waxaana jirkiisa laga helay nabarro sida laga soo xigtay Booliska oo hadda gacanta ku haya baaristiisa.

    Qoraal kasoo baxay Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in la qabtay 6 ruux oo loo heysto kiiska geerida Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan, iyadoo xalay fiidkii 06:30 PM uu kiiska gaaray Saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, iyadoo meydkiisa loogu tegay meydkiisa oo yaalla gurigii uu dagaanaa oo ku yaala Waaxda Janaraal Daa’uud gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.

    “Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan, Ina Mako Nuur Dhimbil 32 Jir ahaa ku dhashay Gebiley waqooyi-Galbeed, Deganaa Degmada Wadajir, kana shaqeyn Jiray Hey’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed”. ayaa lagu yiri qoraalka Booliska oo intaas ku daray inuu socdo baarista kiiskan.

    Aabaha dhalay wiilka Muuse Dahable oo magaalada Hargeysa ayaa codsaday in Meydka Wiilkiisa loo keeno si uu ugu aaso magaalada Hargeysa, uguna samro.

    Dhinaca kale siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ee ka mida Golayaasha dowladda Federaalka ayaa ka hadlay kiiskan, waxaynaa sheegeen inuu baaritaan socdo, balse ay u muuqato in si ula kac ah loo dilay marxuumka.

    Ra’iisal wasaare ku xigeenkii hore Xildhibaan Mahadi Guuleed Khadar ayaa sheegay in Dilka Marxuumka uu yahay mid ay dad geysteen, loona baahan yahay in sharciga la horkeeno, hadaana ay socoto baarista Booliska.

    Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaalya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu dadaal badan geliyay kiiska Dilka Marxuum Cabdinaasir oo sida uu yiri dad badan cabsi gelisay.

    “Xalay waxaan u yeedhay oo ka wareystay dilka Marxuun Cabdinaasir, Taliye Ciidanka Booliska, Taliye Sulub wuxuuna ii sheegay in dilku dhacay, in Ciidanka Baadhista dembiyadu goobta tageen, baadhis Xoog lihina ku socoto meydka marxuunka iyo faraha cidii ugu dambeysay jidhkiisa taabatay, isla markaana la xidhay dhamaan dadkii ay guriga wada deganaayeen Marxuun Cabdinaasir. Talaabooyinka ilaa hada la qaaday iyo sidaa baadhistu u socoto aad baan anigu ugu qancay”.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir Maareeye.

    Maamulka Somaliland oo isla xalay markii uu kiisku soo baxay falkan qaab siyaasadeysan uga hadlay ayaa mar kale waxaa shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Hargeysa mas’uuliyiin uu horkacayo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, waxayna dowladda Soomaaliya ku eedeeyeen inay ka danbeysay dilka Marxuum C/inaasir Dahable

    Maxaed Kaahin wuxuu sheegay inay kiiska dilka Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo ka tirsanaa Shaqaalaha Hawada ee Soomaaliya ku tuhunsan yihiin dowladda Somaliya, isagoo sabab uga dhigay in Hay’addaha Amniga ee Dowladda Soomaaliya ay maalmihii lasoo dhaafay u soo hanjabayeen Shaqaalaha duulimaadka rayidka ka shaqeeya ee ku sugan magaalada Hargeysa, sabab la xariirta arrimaha Hawada la isku khilaafsan yahay.

    C/naasir Muuse Dahable Dil Somaliland Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXilliga Maxkamadda G/Banaadir la soo taagayo Ninkii Xaaskiis Gubay oo lagu dhawaaqay
    Next Article Hay’adda Duulista Rayidka Somaliya oo Digniintii ugu danbeysay u dirtay Maamulka Somaliland

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo