Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Xogta Shilka uu Turkiga ku galay Wiil uu dhalay Madaxweyne Xasan Sheekh (Warbixin)

    Xogta Shilka uu Turkiga ku galay Wiil uu dhalay Madaxweyne Xasan Sheekh (Warbixin)

    December 8, 2023Updated:December 9, 20232 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Baraha Bulshada Soomaalida ku xiriirto ayaa si weyn loogu faafiyay warka ku saabsan shilka uu magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ku galay wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaliya.

    Shilka oo dhacay 30-ka November ayaa la ogaaday aakhrikii toddobaadkan, waxaana siyaabo kala duway loga hadlay shilka iyo xogta la xiriirta, balse waxana warbixintan ku eegeynaa xaqiiqada shilkasi oo aanu kasoo xiganay Warbaahinta Turkiga.

    Duhurnimo Khamiis ah ayuu dhacay shilka markii Mooto uu watay nin lagu magacaabi jiray Yunus Emre Göçer uu ku dhacay Gaari uu waday Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya.

    Göcer ayaa wadadda ka tuurmay markii uu Gaariga ku dhacay, waxaana soo gaaray dhaawac culus oo keenay inuu u dhinto, markii isbitaallada wax ka qaban waayeen xaaladiisa adkeyd darteed.

    Ninka dhaawac u geeriyooday ee Yunus Emre Göçer wuxuu ahaa aabbe dhalay laba carruur ah. Maxkamadda Istanbul ayaa Wiilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Xasan ka mamnuucday inuu Turkiga ka baxo.

    “Wiilkeygu wuxuu ahaa nin xirfad leh oo kaxeeya mootada. Wiilkayga waa la dilay, ma ahayn shil. waxaan rabaa cadaalad Waxaan rabaa in cid kasta oo darawalkii wiilkayga ku dhuftay in la ciqaabo. Ma doonayo in dhacdadan la qariyo” ayuu yiri Metin Göçer oo ah aabbihii dhalay Ninka shilka ku dhintay.

    Wuxuu sheegay in Darawalkii gaariga uu 100% isaguu qaladka lahaa, taasoo ay muujisay Cameada CCTV, isla markaana wiilkiisa aanu wax khalad ah sameynin, sida uu yiri.

    Qreenka u doodaya Reerka uu ka dhintay Yunus Emre Göçer ayaa isna sheegay in eedeysanaha la sii daayay, haddana uu nooca dembigu isu beddelay mid kas ah, sida uu qabo qareen İlyas Çimen.

    Wuxuu sheegay Qareenka inay hadda sugayaan in la soo xiro tuhmanaha oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomalaiya, iyagoo dacwadooda u gudbinay xeer ilaaliyaha ay qusayso.

    Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sii daayey kadib markii laga duubay hadal ku saabsan sida uu shilka ku galay, balse waxaa lagu wargeliyay inuusn ka bixi karin Turkiga.

    Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Xeer ilaalinta Turkiga ay warkii ugu horeysay kasoo saartay kiiska Wiilka Madaxweynaha Soomaallya, isagoo qoraal uu soo saaray ku sheega in 2-dii bishan Disembar Maxamed Xasan Sheekh laga saaray dalka Turkiga.

    Wuxuu intaas raaciyay in dowladda Turkiga ay adeegsaneyso qaab kasta oo fududeynaya in lasoo celiyo, eedeynsanaha falkan geystay, sida uu sheegay Xeer Ilaaliyaha guud ee Turkiga.

    Maxamed Xasan Sheekh Top Turkey Wiilka Madaxweynaha Xasab Sheekh Xasan Sheekh
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDowladaha Somaliya iyo Itoobiya oo kala saxiixday Heshiis cusub oo Milateri
    Next Article Madxweyne Xasan Sheekh oo Mar kale Xil u magacaabay Dr. C/raxman Baadiyow

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo