Wararka laga helayo xarunta Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in la xiray mid ka mida Guddigii qabanqaabada xil wareejinta Guddoomiyaha cusub.
Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha ciidamada Booliska G/Banaadir Saadaq Cumar Xasan [Saadaq Joon) uu xabsiga dhigay xubinta ka mid ahayd Guddiga Guddiga qabanqaabada Xil-wareejinta Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Macamuud oo magaciisa lagu sheegay Nuur Axmed Cali, kadib markii uu diiday amar uu siiyey oo ahaa inuu ka baxo xarunta maamulka G/banaadir oo uu taliye Saadaq Joon uu sheegay inuu ka fulinayo howl amni.
Amarka Taliyaha Booliska G/Banaadir wuxuu yimid iyadoo uu shir uga socday xarunta G/Banaadir maamulka iyo Guddiga qabanqaabada xaflada xil wareejinta Guddoomiyaha cusub ee Gobolka, waxaana amarkiisa u hoggaansamay guddoomiye ku xigeenada Gobolka iyo xubnihii kale ee ku sugnaa xarunta.
Ninka uu xiray Taliye Saadaq Joon ayaa u muuqda in loo xiray amar diido, iyadoo xarunta Maamulka G/banaadir oo qarax is-miidaamin ka dhacay dhowaan amnigeeda la adkeynayo xilligan oo guddoomiyaha cusub uu dalbaday in wax laga bedelo amniga xarunta maamulka G/banaadir.