Xubnaha Golaha Ammaanka Q/Midoobay ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, waxayna ka kooban yihiin Safiirada 15-ka dal ee Golaha Ammaanka.
Wafdiga Golaha ammaanka ayaa la dejiyay Xerada Xalane ee Garoonka Muqdisho ku dhex taalla, halkaasoo kulamo kala duwan ay kula leeyihiin Madaxda Soomaalida ee kala duwan iyo qeybaha Bulshada.
Dadka ay la kulmayaan waxaa ka mida madaxweynaha, xukuumadda, guddoonka Baarlamaanka, madaxa Maamul Goboleedyada, haweenka iyo ururada bulshada.
Kulan siyaasadeed weyn oo uu guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in lagu soo afjaro socdaalka Golaha Ammaanka ee Muqdisho oo ujeedkoodu yahay inay taageeraan horumarka siyaasadeed iyo heshiiska doorashada 2016, taasoo hadda aan muuqan.
Wadani.com