Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegay in wafdigii ka socday Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ay kulan magaalada Garowe kula leeyihiin madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.
Xubnaha Aqalka Sare waxaa hoggaaminaya C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, waxaana ujeedkoodu yahay sidii ay waanwaan uga geli lahaayeen xaaladda ka dhex taagan dowladda federaalka iyo Madax Goboleedyada dalka oo dhowaan hakiyey xiriirkii ay la lahaayeen dowladda Federaalka.
Kulanka ayaa ku bilowday is-wareysi iyo xog raadin ku saabsan go’aanada maamul goboleedyada dalka iyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda dhexe, iyadoo wafdiga aqalka sare ay warbixin ka dhegeysteen madaxweynaha Puntland oo guddoomiye u ah Golaha Iskaashiga maamul Goboleedyada.
Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Garowe ayaa sheegaya in Wafdiga Aqalka Sare ayaa sheegaya berrito ay la kulmi doonaan rurrada Bulshada rayidka ee Puntland.