Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in xalay lagu qabtay hub iyo rag la sheegay inay ka tirsan yihiin Alshabaab, kadib markii baaritaan lagu sameeyay xaafadda Berdaale ee magaalada Baydhaba.
Howlgal ay sameeyeen ciidamada maamulka K/Galbeed ayaa lagu soo qabtay afar ruux, afar qori, laba bistoolad iyo bambooyin, waxayna wararku sheegayaan in dadka la soo qabtay xabsiga loo taxaabay.
Maamulka K/Galbeed aya sheegay in dadka xaafadda ay ku soo wargeliyeen raggan hubeysan oo dhaqdhaqaaqyo laga shakiyay ka waday xaafadda, kadibna ay howlgal ka sameeyeen ku soo qabteen, iyadoo lala xiriirinayo inay Alshabab ka tirsan yihiin.
Baaritaanada lagu sameynayo raggan hubeysan ee la qabtay ayaa lagu wadaa in saxaafadda loo soo bandhigo, Waxayna Baydhaba ka mid tahay magaalooyinka Alshabaab ay ka fuliso weerarada iyo dilalka qorsheysan.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]