Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa ka hadashay qarax habeen hore ka dhacay Jidka Balcad, agagaarka Isbitaal SOS oo waxyeelo u geystay xubno ka tirsan Alshabaab oo qaraxaasi dhigayey.
Warka ayaa lagu xaqiijiyey in Maleeshiyo ka tirsan Alshabab oo dhigayey Miino Isgoyska SOS ayey dhacday inay ku qaraxday Miinadaasii, taasoo dhalisay inuu ku dhinto qofki dhigayey, waxaana ku dhaawacmay laba kale oo la socday oo kadib la qabtay ayna xabsiga dhigeen ciidamada NISA.
Gudoomiyaha Degmadda Yaaqshiid ayaa sheegay in dhaawacyada xubnaha Alshabaab lagu wareajiyey Hay’adda Nabadsugidda ee NISA .
Wasaaradda Warfaafinta ayaa cambaareysay falka noocan ah oo ay ku sheegtay mid fuleynimo ah; inkastoo Miinada qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca dhalisay ay ku sheegtay macmal.