Maxkamadda ciidamada Qalabka-sida ayaa xukuno isugu jira Dil toogasho iyo Xabsi ku riday saddex eedeysane oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Alshabaab iyo Daacish.
Xubnaha la xukumay ayaa kala ah:
1- Aadan Maxamed Xasan oo 28 sano jir ah, kuna dhashay Wajeer Kenya, waxaa lagu soo eedeeyay inuu Al-shabaab ku biiray sanadkii 2015, kadibna 2017 uu ku biray Daacish, isagoo markii dambe lagu qabtay magaalada Boosaaso.
2- Abshir Maxamed C/raxmaan Tooshle oo ah 47 sano jir ku dhashay Qandala ayaa lagu eedeeyay inuu Aadan Maxamed kusoo dhaweeyay magalada Boosaaso, kana tirsanaa Al-shabaab,isagoo sanadkii 2013-kii la qabtay isagoo wada xaaska hoggaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya Cabdiqaadir Muumin, balse la siidaayay, markaas kadibna uu ku biiray Daacish.
Aadan Maxamed Xasan iyo Abshir Maxamed Tooshle oo lagu eedeeyay inay geysteen dilal ka shacay Boosaaso ayaa lagu xukumay Dil toogasho ah, sida uu u dhawaaqay Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland.
3- Maxamuud Shiniyow Cali oo lagu eedeeyay Al-shabaab ayaa lagu xukumay 20 sano oo xarig ah.
Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa sheegtay in saddex eedeysane ay haystaan muddo 30 cisho gudahood oo ay racfaan ku qaadan karaan.
