Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Xubno lagu helay iyagoo Qarax aasaya iyo Haweeney la shaqeyn jirtay oo xukun lagu riday (Sawirro)

    Xubno lagu helay iyagoo Qarax aasaya iyo Haweeney la shaqeyn jirtay oo xukun lagu riday (Sawirro)

    December 29, 2020Updated:December 29, 20203 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomalia ayaa Maanta waxaa ay xukuno kala duwan oo xabsi 20 ilaa 3 sano ah ku riday Saddex xubnood oo ay haweeneey ku jirto, kuwaas oo lagu helay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

    War kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada ayaa waxaa lagu sheegay in Deeqo Maxamed Qeyliye Sabriye, Cabdikariim Maxamuud Cusmaan iyo Maxamed Siid Cali Maxamuud loo xiray  July 19-keedii la shaqeynta Al-Shabaab iyo in ay ahaayeen koox wada degan oo ka shaqeysa Gudbinta iyo Keydinta Agabka Ciidan ee loo adeegsado dilalka gaadmada ah.

    Deeqo Maxamed Qeyliye ayaa sheegtay in ay Alshabaab kaga biirtay  Shabeellada Hoose 2016, waxa ay Gunno ahaan u qaadan jirtay $150 bishiiba sida lagu sheegay Warka Maxkamadda Ciidamada. Bishii Ramadan ayay qaban jirtay howlaha ugu badan ee keydinta Hubka sida Bistooladaha, Bambooyinka Gacanta laga tuuro F1, Qaraxyada lagu xiro Gawaarida, kuwa lagu Aaso waddooyinka iyo Alaabta laga farsameeyo Qaraxyada.

    Sidoo kale Maxkamada Ciidamada ayaa sheegtay in Cabdikariim Maxamuud Cusmaan iyo Maxamed Siid Cali Maxamuud uu Al-Shabaab kaga biiray Shabeellada Hoose 2016, Muddo la barayay Fasirka Qaldan ee Diinta ugu dambeyn waxaa lagu qanciyay in ay Bartaan farsameynta Qaraxyada.

    Deeqo ayaa lagu soo xiray labadaba waxa ayna hoy ka siisay gurigii loo qorsheeyay ee u joogtay sidii Hooyanimo aan la Ogeen dhagarsi howlaha ay doonayaan ay u fushadaan.

    Labada Eedeysane oo ku dhaawacmay Qarax uu aasayay Nin kale oo iyaga la socday July 2020 degmada Yaaqshiid gaar ahaan SOS ayay Ciidamada Amniga ku soo qabteen, waxa ayna sahashay Farsamada kale ee dhalisay in la soo Gacan geliyo Deeqo Maxamed oo u aheyd Sarkaalad  u sameysan Hooyanimo & Oori.

    November Sanadkan ayaa lagu wareejiyay sedaxda eedeysane Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna baaritaan dheer kadib Codsadeen Muddeynta Maxkamadeed Bartimihii bishii 11-aad ee Sanadkan. 28-kii November ayay bilaabatay Maxkamadeynta  Deeqo Maxamed Qeyliye Sabriye, Cabdikariim Maxamuud Cusmaan iyo Maxamed Siid Cali Maxamuud.

    Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa cadeyn ahaan Maxkamadda u hor keenay Agab isugu jiro Hub iyo Qaraxya oo lagu soo wada qabtay eedeysanayaasha oo iyaga aasayay Qarax uu mid kamid ah  kaga dhintay Mid kalane kaga dhaawacmay, waxaa sidoo kale la dhageystay Qiraallada Dambiyadii ay galeen.

    Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay sedaxdan shaqsi, waxaana lagu kala xukumay Deeqo Maxamed Qeyliye Sabriye 15-sano Xabsi Ciidan a , Cabdikariim Maxamuud Cusmaan 3-sano Cabsi Ciidan ah iyo Maxamed Siid Cali Maxamuud 20-sano oo xarig ah, sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalbka Sida.

    MAXAMED SIID CALI MAXAMUUD 20-SANO XABSI
    MAXAMED SIID CALI MAXAMUUD 20-SANO XABSI CIIDAN
    CABDIKARIIM MAXAMUUD CUSMAAN GACAL 3-SANO XABSI CIIDAN AH
    Alshabaab haween la xukumay Maxkamadda Ciidamada Top Xukun
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal wasaare Rooble oo Xoghaye cusub u magaacabay Xafiiskiisa, xilkiina ka qaaday C/risaaq Caato
    Next Article Shir sanadeedkii Madasha Heritage ee Garowe oo dib u dhac ku yimid iyo xarun cusub oo loo wareejiyey

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo