Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun Dil toogasho ah iyo xabsi ku kala xukuntay laba askari oo ka kala tirsan NISA iyo Milateriga oo fal Di iyo Dhac ah lagu helay.
Askariga Hay’ddda NISA ka tirsanaa oo lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed Axmed ayaa Bishii September, 2022 fal dhac ah ka fuliyay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, isagoo ku dilay Marxuumad Caasha Daahir Xasan oo Aroos ahayd.
Wuxuu sidoo kale e dhaawacay Yuusuf Muuse Axmed oo abti u ahaa Marxuumadda, lana socday, waxaana falkaasi burcadnimada ku wehliyay askriga NISA ay Daahir Cali Aadan oo isna militariga ka tirsan, isla markaana lahaa qoriga dilka lagu geystay.
Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada ayaa Cabdullaahi 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 Axmed ku xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Marxuumad Caasha Daahir, halka Daahir Cali Aadan lagu Xukumay 8 Sano oo Xabsi Ciidan ah.