Xukuumadda Soomaaliya ayaa go’aano culus kasoo saartay wakiilkii Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Fracisco Maderia, saacado kooban kadib markii guddoomiyaha Midowga Afrika uu diiday go’aankii Ra’iisal wasaaraha Soomaliya ku eryay.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu faray Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya inay kala laabato waraaqaha dal-ku joogga, kuna wargeliso Danjire Francisco Madeira, dib danbena looma siin karo waraaqaha dal ku galka.
Warqaddan amarka ah oo uu ku saxiixan yahay wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sidoo kale lagu faray agaasimaha hay’adda socdaalka in uu ku wargeliyo dhamaan dhinacyada ay quseyso in dalka aan la keeni karin Danjire Madeira, iyadoo loo cuskaday amarkan go’aankii Khamiistii ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee lagu sheegay in Danjire Madiera loo aqqoonsaday qof aan laga rabin Soomaaliya.
Sidoo kale, wasaaradda amniga ayaa fartay dhammaan hay’adaha amniga in uusan Danjire Madeira dalka soo geli karin “maadaama uu yahay qof aan laga rabin dalka.” Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladdu ay si kumeel gaar ah u xirtay “dhammaan howlihii terminaalka MOVCOM” ilaa amar danbe.
Go’aankan ka soo baxay wasaaradda amniga ee Soomaaliya ayaa imanaya saacado ka dib markii Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa Moussa Faki Mahamat uu qoraal uu soo saaray kaga horyimid go’aankii uu dhowaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka soo saaray “maqaamka” Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira.
Guddoomiyaha ayaa la saftay Farmaajo iyo qoralkii uu uga horyimid in dalka laga ceyriyo Danjire Madeira, uuna ku sheegay in uu sii wadayo wadashaqeynta danjiraha.
