Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ee hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa heshay codka kalsoonida Baarlamaanka kadib kulan maanta ay yeesheen xildhibaanada Federaalka.
Kulanka oo uu hareeyay muran ku saabsan xilliga codka la qaadayo ayaa waxaa guuleystay xildhibaanadii doonayay in maanta la qaado codka kalsoonida xukuumada, kadib mooshin ay sidaasi ku dalbadeen xildhibaano uu horkacayay Mahad Maxamed Salaad.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xildhibaanada u jeediyay Khudbad ku saabsan Barnaamijka Xukuumaddaiyadoo markaas kadib codka kalsoonida looo qaaday xukuumadda.
Cod gacantaag ay oo loo qaaday kalsooni siinta xukuumadda ayaa natiijadu noqotay sida soo socota:
Waxaa kalsoonida siisay xukuumadda: 224
Waxaa u diiday xukuumadda: 15
Waxaa ka aamusay xukuumadda: 2
Guddoomiye C/weli ayaa ku dhawaaqay inay ansax tahay xukuumadada.
Sidaasina waxaa codkii kalsoonida ku heshay xukumadda cusub oo laga sugayo shaqo adag iyo waxqabad. Shirka maanta waxaa guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey, kadib markii guddoomiye Jawaari uu noqday ku-sima madaxweyne.
Dhaarinta xubnaha Golaha Wasiirada ayaa haatan ka socota xarunta Baarlamaanka Federaalka iyadoo goor dhow la soo xirayo fadhiga Baarlamaanka oo ahaa mid adag.
Wadani.com