Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Xukuumadda Somaaiya oo guddi u magacaabay arrimaha Fatahaadda (Akhri magacyada)

    Xukuumadda Somaaiya oo guddi u magacaabay arrimaha Fatahaadda (Akhri magacyada)

    October 22, 20153 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna ku simaha R/wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyadoo kulankan looga hadlayay qodobo ay ka mid ahaayeen Xeer Nidaamiyaha Maamulka lacagta ee Ciidanka Xoogga dalka, warbixin la xiriirta Fatahaadaha iyo roobabka “EL ÑINO”.

    Ugu horeynta golaha ayaa waxa ay ka hadleen Fatahaadaha iyo Qataraha ay keeni karto “EL ÑINO”, waxaana kulanka golaha sharaxaad ka bixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), waxa uuna xusay in Fatahaadani ay saameyn ku yeelan doonto qeybo badan oo dalka ka mid ah, sida dhulka ay maraan webiyada Shabelle iyo Jubba, gaar ahaana gobolada Sh/dhexe, Sh/hoose, Gedo, J/dhexe iyo J/hoose.

    Golaha Wasiirada ayaa ugu dambeyntii isla qaatay in la dhiso guddi heer Wasiir ah, kaasoo howshiisu noqon doonto xiriirinta dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo hay’addaha caalamiga ah, waxaana Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar uu xusay in arrintani ay tahay musiibo ku soo wajahan dalka, loona baahan yahay inay xil iska saaraan dhamaamba qeybaha kala duwan ee dadka Soomaaliyeed, gudaha iyo dibedda, ayna gacan xukuumada gacan ku siiyaan sidii loo yareyn lahaa dhibaatooyinka ka dhalan kara.

    “Waxa ay mareysaa Yaa maali jirayeey, dhibaatada soo fooleh waa mid baaxad weyn, waxaana ugu baaqayaa dhamaamba dadka Soomaaliyeed ee wax heysta, hay’addaha gargaarku inay u diyaar garoobaan badbaadinta dadka iyo duunyadaba” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh, isaga oo si gaar ahna u xusay in cid kasta oo gargaar u fidineysa dadkaasi, loo baahan yahay inay la kaashadaan guddigan si loo helo taakuleyn muuqata.

    Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa golaha Wasiirada u soo gudbiyay Xeer Nidaamiyaha Maamulka Lacagta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Iyadoo lagama maarmaan ay noqotay in dib u habeyn lagu sameeyo qaabka loo maamulo miisaaniyadda loo qoondeeyo ciidanka X.D.S, ayaa Wasiirka Gaashiggu soo gudbiyay Qabyo qoraalka Xeer Nidaamiyaha maamulka lacagta ee C.X.D.S, waxaana sharaxaad ka bixiyay taliyaha C.X.D.S. S/G Maxamed Aadan Axmad, isaga oo sheegay in Xeer Nidaamiyaha maamulka lacagta la sameeyey April 12, 1960-kii, iyada oo dib u habeyn lagu sameeyey mar labaad 1977-dii, waxana uu xusay in hadii la dhaqangeliyo Nidaamkani uu yahay mid hufan oo horseedi kara isbedel iyo la xisaabtan dhab ah.

    Golaha Wasiirada ayaa loo qeybiyay nuqulka Xeer Nidaamiyaha maamulka lacagta, waxaana dib looga doodi doonaa kulanka dambe ee golaha Wasiirada, si go’aan looga gaaro.

     Halkan ka aqriso magacyada Guddiga Fatahaada

    1)- C/maan Maxamed Xuseen Wasiirka Arr/ gudaha iyo Federalka Guddoomiye

    2)-C/shiid Maxamed Xiddig Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha  Xubin

    3)-Maxamed Cabd Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta Dhaq iyo Hiddaha  Xubin

    4)-Xaawo Xasan Maxamed Wasiirka Caafimaadka  Xubin

    5)- Saalax Shiikh Cismaan Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska  Xubin

    6)- Maxamed Aadan Ibraahin Wasiirka Maaliyada  Xubin

    7)-Maxamed Aadan Xasan Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xubin

    8)-Siciid Xuseen Ciid Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta   Xubin

    9)-Axmed Xasan Gaboobe  Wasiirka Beeraha Xubin

    10)-Proff Cabdullahi Shiikh Cali Wasiiru dowlaha Qorsheynta  Iskuduwe

    11)- Xildhibaan Shuuriye Maxamuud Afrax Xubin

    12)- Bashiir Axmed Cismaan Ag.Golaha Wasiirada iyo Xiriirka Baarlamaanka Xoghaye

    13)-C/Xakiin Axmed Guuled Xiriiriye

    14)- Cabdsalaan Axmed Caato Afhayeen

     

    Guddi

    Dhammaad

    Wadani.com

    Fatahaada Golaha wasiirada
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWarbixinta Guddiga Q/Midoobay ee dabagalka Soomaaliya iyo Ereteriya (Akhriso)
    Next Article Maxaa ka jira in Al-shababka Galgala ku biiray Daacish…? Alshabab oo kala qeybsantay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo