Xukuumadda Soomaaliya ayaa kala dirtay maamulkii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Gobolka Banaadir oo dhowaan ay soo baxeen warar ku saabsan in magacaabistiisa ay ka danbeysay Alshabaab.
Qoraal ka soo baxay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa lagu kala diray maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha G/Banaadir, waxaana la sheegay inay cabasho ka timid Ganacstada Gobolka Banaadir iyo xiisad ka dhalatay magacaabistaas.
Wasiirka Ganacsiga C/llaahi Cali Xasan ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu maamul cusub u magacaabi doono Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha G/Banaadir, isagoo la tashanaya maamulka Gobolka iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.
Maamulka maanta la kala diray ayaa waxaa magacaabay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed C/kariin Gabayre oo qeyb ka ah kiiskan ay Alshabaab ku lug yeelatay, mana cadda sida ay WasaarDaa ganacsiga u wajaheyso arrintan.
HOOS KA AKHRISO
