Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Xukuumadda Somaliya oo canshuur culus ku soo rogtay shirkadaha degan Garoonka Aden Cadde

    Xukuumadda Somaliya oo canshuur culus ku soo rogtay shirkadaha degan Garoonka Aden Cadde

    May 21, 2015Updated:May 21, 20153 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kulan ay golaha wasiirada Somalia maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa looga Dal-baday Shirkadaha Dhex-daggan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho inay iska bixiyaan canshuuraha lagu leeyahay, taasoo kasoo billaaban doonta markii ay degeen garoonka ay deggen yihiin.

    Xalane-garoonka muqdisho

    Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Somalia  ayaa Kulanka ka jeediyay Warbixin ku aaddan shirkadaha ka howl-gala gudaha Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ee Muqdisho, kuwaasoo qaarkood sameystay deegaanno u gaar ah, halka kuwa kalena ay degeen goobo ay leeyhiin Wasaaradaha xukuumadda Qaarkood, iyadoo xubnaha golaha wasiirrada ay dood-dheer kaddib isku raaceen qodobbada soo socda.

    1. Si loo waafajiyo nidaamka hay’adda caalamiga ah ee duulimaadka rayidka ICAO waa in laga fujiyo siligga ku wareegsan meesha diyaaraduhu kusoo dagaan ama ka duulaan.
    2. Goluhu wuxuu farayaa Wasaaradaha ku shaqada leh arrintan in shirkadaha dhex-deggen xayn-daabka Garoonka laga qaado kirada dhulka ay ku shaqeystaan; waxaana laga soo bilaabayaa waqtiga ay degeen.
    3. Goluhu Wuxuu farayaa Wasaardaha Howshoodu tahay dib u eegista Amniga Garoonka diyaaradaha iyo agagaarkiisa, Wuxuuna si gaar ah u farayaa in degdeg wax looga qabto wixii amni-xumo keeni kara.
    4. Goluhu Wuxuu Farayaa Wasaardaha Maaliyadda, Ganacsiga iyo Warshadaha inay wixii khidmad canshuur ah oo ku waajibtay Shirkadahaas intii ay Degenaayeen Garoonka si degdeg ah looga soo xareeyo.

    Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ee Maanta ayaa waxay uga hadleen Arrinta Baarlaamaanka Jubba, Qaxootiga Yemen, mideynta Qorshaha Qaranka. Iyadoo Wasiirrada ay ka doodeen baarlamaanka cusub ee Jubba, iyagoo tix-galinaya cabashooyinka ay muujinayaan qaar ka mid ah dadka deegaanka, waxaana goluhu go’aamiyay qodobbadan:

    1. Goluhu Wuxuu isku raacay in loo saaro Guddi dib u eegis ku sameeya Cabashooyinka kasoo yeeraya baarlamaanka cusub ee maamulka Jubba, Gudigaas oo daraasad ku samayn doonaa waxay dadku tabanayaan, kaddibna wuxuu kusoo celinayaa golaha Wasiirrada.
    2. Gudiggan wuxuu la fariisan doono Cid walba oo ay Khusayso arrintaan, Wuxuuna soo gudbin doonaa Talooyin ku Aaddan sida ugu Habboon ee xal midaysan Cabashooyinkaas looga gaari karo.

    Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa ka hadlay dhibaatooyinka Qaxootiga Soomaaliyeed ku haysta Yemen, waxayna go’aamiyey in xubin kasta oo golaha ka mid ah uu ku tabaruco lacag gaaraysa 1,000 doollar, taasoo lagu maamuli doona gudigii ku howlan gurmadka loo fidinayo Qoxootiyada kasoo cararaya Yeman, Waxaana Dhaqaale Ururinta loo xilsaaray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte.

    Ugu dambeyn, Golaha ayaa Warbixin ka dhageystay Wasiir ku xigeenka Qorshaynta oo ay Wasaaraddiisu wado Barnaamijka Mideynta Qorshaha Qaranka, Waxaana Qorshahaas ka mid ah in (New Deal) uu noqdo qorshe Qaran oo ay dowladdu hoggaaminayso, iyadoo laga duulayo baahida shacabka, wasaaraduhuna waxay soo gudbinayaan baahihooda si ay ula jaan-qaadaan, Waxaana qorshan qayb ka noqon doono bulshada rayidka ah, dhalinyarada iyo maamulada ka jira dalka.

    [ad name=”HTML-1″]

    [ad name=”HTML-6″]

    Garoonka Aden Cadde Xukuumadda Soomaaliya
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKenyan mosque in Garissa briefly taken by al-Shabab
    Next Article War-torn Somalia opens second bank in capital

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo