Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaantay sheegashada Shirkad ku howlan baarista macdanta iyo shidaalka degaanada Somaliland.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa digniin loogu diray Shirkadda Genel Energy PLC oo dhowaan sheegtay inay dhammeystiray baaritaankii ay waday Somaliland.
“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si cad u diidday sheegashada Shirkadda Genel Energy PLC ee ah in ay leedahay xuquuqda batroolka gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, waxayna ugu baaqaysaa shirkadda Genel Energy PLC inay joojiso fulinta hawl-gal shidaal oo xadgudub ku ah Madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyo midnimada,” ayaa lgu yidhi qoraalka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya.
Howlgalka Shirkadda General Energy ayaa yimid markii Maamulka Somaliland heshiis kula gashay ah inay shidaalkii ugu horreeyay kasoo saarto Somaliland sanadka 2023, kadib baaritaan socday muddo sanado ah.