Xukuumadda Soomaaliya ayaa magacawday guddi soo baara dilkii Xildhibaan Yuusuf Dirir iyo dhacdadii sababtay geerida xildhibaanka, waxaana guddigan cusun amar lagu siiyay inay sida ugu dhaqsiyaha badan  jawaab uga keenaan falkaasi. Hore warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda lagu caddeeyay inay dilkaasi ka dambeeyeen ciidamada Milateriga ee xoogga.
Wareegto uu saxiixnaa Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban 9 xubnood oo soo baaraya falkan oo ciidamada Milateriga taliskooda ka hor yimid qaabka ay xukuumada u shaacisay inuu shilka u dhacay.
Xubnaha guddiga la magacaabay waxay kala yihiin:
- Dr. Axmed Cali Daahir  Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka: Guddoomiye
- Col. Cabdullaahi Xuseen Maxamed     Xeer-ilaaliyaha maxkamadda Ciidammada: Xubin
- Col. Xasan Sheekh C/samad hoggaanka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed : Xubin
- General Saciid Axmed Kadiye Taliyaha Hoggaanka baarista C.I.D. : Xubin
- G/le Maxamed Xasan taliyaa hoggaanka Baarista NISA :Xubin
- Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow Gud: guddiga Amniga Barlamaanka :Xubin
- Xildhibaan Xuseen Carab Ciise Gud: guddiga Difaaca Barlamaanka :Xubin
- Maxamed Xasan Faarax Lataliyaha sare sharciga X/R/W Soomaaliya: Xubin
- Cabdullaahi Bashiir C/nuur Agaasinka Amniga X/ Ra’iisul wasaaraha: Xubin
Guddiga ayaa looga fadhiyaa
- Inay warbixin hordhac ah oo ku saabsan baaritaankooda keenaan xafiiska Ra’iisul wasaraha ugu dambeyn maalinta Jimcaha ee 29-ka May 2015.
- Inay u gudbiyaan baaritaankooda Maxkamadda awoodda u leh.
- In baaritaanka lagu soo gabagabeeyo laba todobaad oo la bilabaneysa Taariikhda Wareegtada soo baxday
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Maxamed Cumar Carte (Qaalib)
Magacaabidda guddigan ayaa imaaneysa iyadoo taliska ciidamada Xoogga dalka uu si weyn uga hor yimid warsaxaafadeedkii xukuumadda ee ciidmada milateriga ku eedeeyay inay dilkaasi ka dambeeyeen, waxaana arrintan si weyn culeys u saaraya Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Maxamed Cumar Carte.
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]