Guddiga Maamulaya Doorashada xildhibaannada Banaadiriga ayaa lagu magacaabay wareegro uu soo saaray Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaallka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Guddigan oo ka kooban 11-xubnood ayey dhammaantood soo magacawday Xukuumadda Soomaaliya, isagoo aan ka mid ahayn guddiyadii heshiiska Doorashada ee Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka.
Xildhibaannada Beelaha Banaadir ayaa lagu doortaa magaalada Muqdisho, waxayna muuqdaan inay arrintooda la wareegtay dowladda Federaalka Soomaaliya oo madaxweynaha u tartamayo in dib loo doorto.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA GUDDIGA

