Xukuumadda Soomaaliya ayaa amarro ka soo saaray ka hortagga tahriibka, kadib falkii naxdinta lahayd ee dhalinyaro Soomaaliyeed Doon kula degtay Badda Dhexe, Doontaas oo ka tagtay dalka Masar.
Ra’iisal Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ay shaaciyay in dowladda Federaalka ay ka hortageyso kooxaha dadka tahriibiya, wuxuuna ku amray hay’adaha ammaanka inay burburiyaan shabakadaha dadka tahriibiya ee gudaha dalka.
Wuxuu intaas ku daray in la abuurayo unug ciidan ah oo ka tirsan hay’adaha ammaanka, kaasoo qaabilsanaan doona ka hortagga shabakadaha dadka tahriibiya.
Mar uu ka hadlayay xaaladda Soomaalida tahriibka u joogta dalka Masar ayuu sheegay Maxamed Cumar Carte in dalka Masar lagu qabtay ku dhowaad 200 Soomaali ah oo isu doonayay inay Doonyo ka raacaan xeebaha dalka Masar si ay u tahriibaan.
Wasaarado ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay inay sameyn doonaan barnaamijyo dadka looga wacyi gelinayo dhibaatada tahriibka. Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa sidoo kale baaq u diray beesha caalamka si ay gacan uga geystaan sidii dhalinyarada Soomaaliyeed shaqooyin loogu abuuri lahaa.
Arrintan ayaa ka dambeysay cambaareyn ka timid ehelada dadkii ku le’day Badda Dhexe oo maamulada iyo madaxda dalka ku eedeeyay inaysan waxba ka qaban arrinta tahriibta.
Wadani.com