Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay danjirahaImaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya Maxamed Axmed Alcuthmani.
Sida uu sheegay xafiiska Ra’iisal waaaraha kulanka qaabilaadda ah ayaa looga wada hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Danjiraha Imaaraadka Carabta e Soomaalita hordhigay codsi ku saabsan sidii dowldada Imaaraadka uga qeyb lahayd gurmadka iyo kaalmada abaaraha ka taagan Soomaaliya oo dhaliyey xaalad bani aadamnimo.
Xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa aad u xumaa afartii sano ee la soo dhaafay, kadib markii dowladda federaalka la safaray dalka Qatar oo xiisad kala dhaxeysay Imaaraadka, taasoo kentay in Imaaraadku joojiyo mashaariicdii uu ka waday Soomaaliya.
