Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wararka ku saabsan xaaladda ammaanka ee Garoonka Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa sheegay in wararka sheegaya in la xiray Garoonka ay yihiin been yihiin, islamarkaana shaqadda garoonka ay ku socoto sidii caadiga ahayd.
Shir jaraa’id oo ay qabteen madaxda wasaaradda Duuliska iyo maamulka Garoonka Aden Cadde ayay ku sheegeen in Garoonka aanay jirin wax isbedel ah oo ku yimid garoonka iyo dhibaato ka jirta.
Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde Cabdi Ashkir Jaamac ayaa isna xeydaabka Garoonka uu aad u ballaaran yahay isla markaana la xiray qeybta Xalane. Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in aysan jirin isbadel ku yimid Shaqadda garoonka , laakiin Amniga dib u habeyn lagu sameynaayo.
DHAGEYSO