Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay caawa magacaabaan ilaa 12 safiiro cusub oo Soomaaliya u fadhin doona dalalka Dibadda, halka safiiro badan xilalkooda weyn doonaan.
Qorshaha safiirada cusub lagu magacaabayo xilligan kala guurka ah ayaa ka danbeeyay heshiis gaara oo dhex maray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo hore sidan oo kale ugu heshiiyay safiiro loo magacabaay dalalka Mareykanka, Kenya, Itoobiya, K/Afrika, Sacuudiga iyo Switzerland.
Xubnaha cusub ee la filayo inay xilal safiirnimo loo magacaabo waxaa ka mida, wasiiru dowlihii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Nuur Gacal, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, Maxamed Xaaji C/nuur (Madeer) oo la dhashay Shariif Xasan iyo kuwo kale.
Golaha wasiirada Soomaaliya ayaan laga fileyn inay dood ka keenaan arrintan, waxaana jagooyinka safiirada lagu qeybiyaa nidaanka 4.5.
UPDATE: Shirkii Golaha Wasiirka oo la joojiyay saacadihii ugu danbeeyay kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh u yeeray Cumar C/rashiid (AKHRI HALKAN)
Wadani.com