Shirka Golaha Wasiirada ee Maanta uga socda magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in la hor keenay xubno cusub oo loo magacaabayo safiiro.
Golaha wasiirada ayaa shirkooda lagu wadaa in lagu ansixiyo safiirada cusub ee la magacaabayo oo la sheegay inay ku jiraan siyaasiyiin caan ah.
Xilliyada kala guurka ah ee dowladaha is bedelaan ayay dhacdaa in xilal fara badan la magacaabo isla markaana madaxda markaas joogta ay ka faa’iideystaan.
Hore ayaa Golaha wasiirada u magacaabeen safiiro ku dhow 10 markii danbe qaarkood lagu meeleeyay, kadib markii laga qaaday safiiro hore xilal u hayay oo uu ka mid yahay safiirkii Soomaaliya ee Talyaaniga.
Wadani.com