Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa u ogolaaday Safaarada Qatar inay dalka ka dhoofsato Duurjoog.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo uu ku saxiixan yahay Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Maxamed Cumar Nuur ayaa lagu sheegay in safaaradda Qatar loo fasaxay inay dhoofsadaan 14 noole oo duurjoog ah, nooceeduna yahay Sagaaro, kuwaasoo la sheegay in la baaray caafimadkooda.
Amiirada dalalka Khaliijka ayaa si weyn caan ugu ah ugaarsiga, waxaana hadiyad lagu siiyaa Duurjoog kala duwan, sida ka dhacay Somaliland iyo dalal badan oo Afrikaan, laakiin waa markii ugu horeysay si rasmi ah loogu fasaxo mudooyinkan danbe.