Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku howlan qorshihii ugu danbeeyay ee lagu doonayo in maamul KMG ah oo goboleed loogu sameeyo Gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan oo ka mid noqonaya maamuladii ugu danbeeyay ee ka mid noqon doonta Federaalka la doonayo in dalka laga dhaqan geliyo.
[ad name=”HTML-1″]
Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa gacanta ku heysa qorshe la filayo in xukuumada la hor geeyo qorshaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe iyadoo wadahadallo la wada dhinacyda kala duwan ee ka soo jeeda labadaas gobol, inkastoo shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada B/weyne qaar ka mida ka qeyb galayaashiisa ay ku doodayaan in Hiiraan keligeed ay noqoneyso maamul goboleed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan ku dhawaaqay in gobolada Sh/Dhexe iyo Hiiran loo dhisayo maamul, iyadoo weli aan la isku afgaran goobta shirkaasi ka furmayo. Xukuumadda Soomaaliya ayaa la filayaa inay toddobaadkan ku dhawaaqdo inuu bilaabanayo qorshaha maamu u sameynta labadaan gobol oo dad badan saadaalinayaan inuu ka dhib badnaan doono maamul u sameynta Gobollada Dhexe.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]