Xukuumadda Soomaaliya ayaa War Cambaareyn ah kasoo saartay qarixii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo dad ka badan 16 qof ay ku dhinteen, 40 kalena ku dhaawacmeen.
Xukuumadda ayaa cambaareysay qaraxa oo ay sheegtay in dad rayid ahi ku dhinteen, kasoo la beegsadeen goobo rayid oo ku yaalla magaalada Muqdisho, wuxuuna warku intaas ku daray in Madaxda Qaranka ay tacsi u direen ehelada dadkii ku dhintay falkii Argagisada Alshabaab ku laayeen dad rayid ah oo makhaayado ka cunteynayay.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in dowladdu dadaal ugu jirto sugidda amniga, isagoo bulshada Soomaaliyeedna ku boorriyay in ay u midoobaan la dagaallanka argagixisada maalin kasta daadinaya dhiigga shacabka, sida ay faafisay warbaahinta dowladda.