Golaha wasiirrada xukuumadda ee xil-gaarsiinta ayaa maanta mar kale ansixiyey hinside sharciyeedyo dhowr ah iyadoo ay weli taagan tahay muranka sharciyeed ee ka taagan in xukuumadda xilka sii heysa ay awood u leedahay arrimahan.
Kulanka Golaha Wasiirada xilalka sii haya ayaa ayaa lagu meel mariyeen Hindise-sharciyeedyada kala ah:
1- Dhismaha hey’adda diiwaan gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed ( oo aha sharci muhiim u ah Doorasho Qof iyo Cod ah inay dalka ka dhacdo, balse hore looga gaabiyey)
2- Hindise Sharciyeedka dhismaha hay’adda dhiirri-gelinta maal-gashiga iyo siyaasadda isbedelka cimilada.
3 – Istaraatiijiyadda dhiirri-gelinta maal-gashiga qaranka
4-Axdiga Jaamacadda Carabta ee la dagaallanka Musuq-maasuqa
5- Heshiiska Iskaashiga arrimaha waxbarashada ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga
6- iyo Heshiiska iska ilaalinta laba jeer canshuuridda iyo ka hortagga la-baxsiga canshuuraha saaran dakhliga ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Qatar.
Kulamada Golaha wasiirada xilka sii haya Waxaa guddoomiya Sii-hayaha xilka Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.
