Xukuumdda xilgaarsiinta ayaa War kasoo saartay xaaladda cakiran ee ka taagan Xaafadda Shiirkole, degmada Hodon ee magalada Muqdisho.
Wasiirka Amniga ee xukuumadda xil gaarsiinta Xasan Xundubey Jimcaale oo shir jaraad’id qabtay saqdii dhexe kadib ayaa sheegay inaysan ciidamada dowladda weerar ku ahayn xaafadda Shiirkole, ayna wixii jira si nabad ah ku dhammeyneyso.
“Dowladda waxaa waajib ka saaran yahay amniga dalka.. Dowladda hadii ay rabto inay tallabo ka qaado Saadaq Joon saacadihii hore ayey ka qaadi lahayd, laakiin lama qorsheyn.. Dowladda waxay ku baaqeysaa dadka buunbuuninaya dagaalka inay ka waantoobaan..” ayuu yiri Wasiir Xasan Xundubey.
Wuxuu intaas ku daray in meesha hadda u degan yahay Saadaq Joon oo xaafado bulsho nabdoon oo shacab degan yihiin ah in la weeraro aanay jirin wax dan ah oo ku jirta.
Wuxuu ku eedeeyay dad mas’uuliyiin ah oo doonaya inay ciidamada dowladda kala furfuraan oo u qeybiyaan maleeshiyaad iyo beelo, taasina ay nasiib darro tahay.
