Warbaahinta caalamka ayaa toddobaadkan hadal heysay qiso naadir ah inay dhacdo oo laga soo weriyay Dalka Vietnam kadib markii laba wiil oo mattaane ah mar kaliyana ay wada dhashay hooyo ay noqdeen kala aabe oo micnaha ay kala dhaleen laba nin oo kala duwan.
Arrintan ayaa lagu ogaaday kadib markii baaritaan DNA ah lagu sameeyay labadaas wiil oo ay dhashay haweeney u dhalatay dalka Vietnam.
Ninka ay u dhaxday haweeneydan ayaa qoyskiisa ku cadaadiyeen inuu baaritaankan sameeyo kadib markii ay ka shakiyeen in mattaana loo dhalay aanay isku ekeyn dhinacyo badana ku kala duwan yihiin, taasoo markii dambe keentay inay tagaan xarunta baaritaanka DNA-da si loo xaqiijiyo.
Baaritaankii DNA-da ayaa xaqiijiyay in labada mattaane ee isku hooyada ah ay kala dhaleen laba nin oo midkood yahay ninkii qabay haweeneyda iyo nin kale oo saaxiib la ahaa haweeneyda. Arrintan oo la yaab iyo amakaag ku riday dadkii ku lugta lahaa oo dhan ayaa hadda xal u raadinaya sidii laga yeeli lahaa xaaladda qoyska ku soo korortay.

Qoyskan ayaa degan Waqooyiga dalka Vietnam magaalo yar oo ku taala, dhaqtarka baaritaanka sameeyay oo lagu magacaabo Prof. Le Dinh Loung ayaa diiday inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo xaaladan isagoo sidaas ay ku heshiiyeen qoyska arritani qabsatay.
Xaaladaha noocan oo kale ah ayaa aad ugu yar dunida sida uu sheegay Prefessor-ka waxaana dunida oo dhan laga diiwaan geliyay in ka yar 10 xaaladood oo tan oo kale ah. Qiso tan la mida ayaa ka dhacday New Jersey, dalka Mareykanka.
XULASHADA JIMCAHA GOOBJOOGE.COM