Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa bilaabay xulista Baarlamaan uu yeesho maamulkaasi, kadib markii maamulkaasi loo doortay qaab ergo oo degdeg u dhacday, waxaan arrintan gacanta ku haya odayaasha beelaha saddexda gobol.
Hore ayay u diideen maamulkan in marka hore la soo xulo xildhibaano baarlamaan kadibna ay doortaan madaxweynaha, balse ergadii shirka ee Baydhaba ayaa si degdeg ah u dooratay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyadoo dowladda Federaalka ay dalbatay in dib loo dhigo shirka.
Howsha xulista baarlamaanka maamulka K/Galbeed oo dib u dhac weyn ku yimid ayaa hadda u muuqda inuu bilow yahay, iyadoo ay durba cabashooyin muujinayaan beelaha qaarkood oo ku doodaya in beelo badan oo degaanka ah laga tegay.
Maamulka uu hogaamiyo Shariif Xasan ayaa ah kan ugu wasiiro badan maamulada dalka, waxaana marka la isku daro golaha wasiirada Koonfur Galbeed ay ka badan yihiin 45 xubnood.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]