Xulka 17-jirada ee K/cagta Soomaaliya ayaa kaalinta labaad ka galay tartanka koobka CECAFA ee lagu qabtay dalka Burundi kadib markii uu dhiggiisa dalka Tanzania uga badiyay 2-0.
Ciyaarta waxa ay qeybtii hore ku bilaabatay weerar iyo weerar celis oo ay Soomaaliya ku gacan sarreysay, ilaa markii uu yimid Roob xoog leh oo ka da’ay garoonka kaasoo sababtay in 30-daqiiqo sabab u noqday in ciyaarta la hakiyo.
Xulkeenna Soomaaliya ee 17-sano jirada ayaa dadaal xoog leh sameeyay, waxaana dhacday in khaladaadka Garsooraha ciyarta oo Itoobiyaan ahaa ay keeneen inuu ka diido laba gool oo dhaliyeen xulka Soomaaliya.
Geesiyaasha Xulka Soomaaliya waxaa taageerayaya oo garoonka ku sugnaa Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar), Duqii hore Muqdisho Taabit Cabdi iyo Mas’uuliyiin ka socday Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo Africa.
Xulka Qaranka Soomaaliya matelya ee 17-jirada ayaa waxaa wareegi Sami-finalka kasoo badiyeen Uganda oo ay ku garaaceen 1-0, halka Tanzania ay 2-1 uga soo badisay Kenya.
Guul weyn ayay soo hooyeen xulka da’yarta Soomaalida oo taariikh u dhigay K.cagta Soomaaliya, isla markaana muran in si weyn loo taageero, laguna dhiirigeliyo ciyaaraha.