Xulka Qaranka Somalia ayaa lagu reebay wareegga koowaad ee is-reebreebka Koobka K/cagta Adduunk oo sanadka 2022 lagu qaban doono dalka Qatar.
Lugtii labaad ee xulka Qaranka uga hortageen xulka Zimbabwe ayaa ku dhammaatay 3-1 looga badiyay xulka Somalia, kadib markii ciyaarta ay 77 daqiiqo ahayd barbardhac 0-0 ah, iyadoo ay ciyaartoyada Somalia muujiyeen ciyaar adag, balse daqiiqadii 77-aad ayaa laga dhaliyey gooikii koowaad ee ciyaarta.
Xulka Somalia ayaa rajo fiican yeeshay markii oo gool la yimid daqiiqadii 85-aad, markii laacibka Cumar Cabdullahi Mohamed uu kubad la kor tagay goolhayaha islamarkaana si fiican uga dulqaaday, wxayna ciyaartii noqotay barbaro 1-1 ah, sidaasoo ay Somalia ku soo bixi lahayd.
Xulka Zimbabwe ayaa isla markiiba keensaday Gool kale, waxayna ciyaartii noqotay 2-1 oo xulka Zimbabwe ku hoggaaminayaan, waxayna nasiib darradu noqotay in daqiiqadii 91aad ee 5 daqiiqo oo lagu daray ay haddana gool kale dhaliyeen xulka Zimbabwe, taasoo ka dhigan in 15 daqiiqo gudahood 2 Gool looga dhaliyey xulka Somalia.
Ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-1 oo ay guushii ku raacday xulka Zimbabwe oo u soo baxay wareegga labaad ee is-reebreebka ciyaaraha K/Cagta Adduunna, waxaana labada kulan Zimbabwe ku soo baxday celcelis dhan 3-2.
Xulka Somalia oo guul weyn kasoo hooyey, isla markaana taariikh dhigay ciyaartii hore ee ka dhacday dalka Jabuuti ayaa ku guuldarreystay inuu u soo baxo wareegga labaad, inkastoo ay dadaal weyn muujiyeen.