Xulalka kubbadda cagta 23-jirrada ee Soomaaliya ayaa guul ka soo hooyey xulka Itoobiya oo kulankii labaad ee is-reeb reebka ciyaaraha olombikada ku yeeshay Garoonka AL-Haji Guulleed ee magaalada Jabuuti.
Xulka Soomaaliya ayaa ciyaartii galabta ku badiyey 1-0, waxaana guusha xulka 23-jirrada Soomaaliya looga dabaaldegay garoonka oo Soomaali badan ay ku sugnaayeen, iyadoo hore loo xusuusto in ciyaartii hore ay ay Itoobiya ku badisay 4-0.
Goolka xulka Soomaaliya oo ahaa Laad toos ah (Free Kick) u dhaliyay Feysal Xasan Axmed oo ka mida lacibiinta qurbe-joogta ee xulka ka mid noqday