Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Xuska Maalinta xoriyadda Saxaafadda: Ururrada Warbaahinta oo Warqad u diray Madaxda Dowladda

    Xuska Maalinta xoriyadda Saxaafadda: Ururrada Warbaahinta oo Warqad u diray Madaxda Dowladda

    May 3, 2020Updated:May 3, 20203 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    MUQDISHO, Soomaaliya 03 May, 2020 – Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, anagoo ah hay’adaha hoos ku saxiixan ahna wakiilada suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxa-bannaan, waxaan aad uga walaacsanahay handadaadaha, weerarada, iyo cagajugleynta ka dhanka ah warfidiyeenada iyo warbaahinta madaxa banaan.

    Sanadkii tegay ee 2019 waxa uu u ahaa warbaahinta iyo warfidiyeenada Soomaaliyeed mid cabsi badan, waxaa weeraro bartilmaameedsi ah lagu beegsaday 81 suxufi, 53 xabsiga ayaa loo taxaabay, 2 suxufi waa la dilay, 12 suxufina dalka ayay ka carareen kadib hanjabaado dil ah ay ku beegsadeen jilayaal kala duwan, waxaa la xiray 7 xarumo warbaahineed, in ka badan 15 goorna waxaa hor istaag lagu sameeyey xaqa helista xogta iyo sharciga saxaafadda oo aan u daneyneyn saxaafadda, dhamaan qodobada kor ku xusan waxa ay yihiin kuwo xadgudub ku ah xuquuqaad dastuuri ah oo ay ahayd in mawaadiniintu xaq u leeyihiin inay helaan.

    Sanadkan keli ah, weriye Cabdiweli Xasan Cali (Online) oo ah suxufi madax banaan, ayaa 16 Febraayo ee sanadkan dabley hubeysan ku toogteen degmada Afgooye, 19 warfidiyeen xabsiga ayaa loo taxaabay, oo qaarkood laga qaatay agabkoodii lagana tirtiray shaqooyinkii ay soo qabteen, 4 suxufi waa la garaacay, labo warbaahin waa la mamnuucay iyo horjoogsi xaqa helista xogta oo saxafiyiin badan lagu sameeyay iyo handadaad lagu bartilmaameedsanayo suxufiyiinta wax-ku-oolka ah waxa ay muujineysaa sida dowladda Soomaaliyeed ay uga go’an tahay dagaalka ay kula jirto warbaahinta madaxa banaan.

    Hay’adaha metela warbaahinta madaxa banaan iyo suxufiyiinta waxa ay aad uga walaacsan yihiin tallaabooyinka qallafsan oo ay dowladdu ku dooneyso inay ku caburiso warbaahinta iyo suxufiyiinta safka hore kaga jirta tebinta cudurka saf-marka ah ee Coronavirus, iyadoona hor istaag ku sameyneysa qulqulka iyo helista xogta. Waxaan aaminsanahay in doorka warfidiyeenada iyo suxufiyiinta oo lagu qeexay dastuurka Federalka KMG ah uu yahay inay ku wargeliyaan shacabka xogaha daruuriga ah ee saameynta ku leh noloshooda oo ay ku jirto helista xogta iyo baahinta wararka la xiriira cudurka Korona.

    Anagoo ugu baaqeyna dowladda Federalka ah iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah inay si deg deg ah u joojiyaan dhammaan hanjabaadaha, cagajugleynta, xarigga iyo gabood-falyada ka dhanka ah warfidiyeenada, ayaan haddana, anagoo mareyna qareenkeenna waxaan warqad cabasho oo rasmi ah oo qeexeysa tacadiyada ka dhanka ah warbaahinta iyo suxufiyiinta u gudbinay xafiisyada madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliyeed Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’isul Wasaare Md. Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Md. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

    Haddii dowladdu dhegaha ka fureysato cabashadeenna, ma jiri doono waddo kale oo noo furan oo aan ahayn in aan cabashadeenna u gudbinno Maxkamadaha awoodda u leh.

    3 May Golaha Saxaafadda Muqdisho Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAlshabaab xukun toogasho ah ku fulisay Nin lagu eedeeyay Basaasidda madaxda Alshabaab..
    Next Article Dalal Afrikaan ah oo dalbaday Daawo- Dhireed ay Madagascar u soo saartay Covid-19 & Digniin…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo