Waxaan idin soo gudbineynaa xusuus ku saabsan waayihii shaqo ee Allaha u naxariistee Weriye Axmed Xasan Cawke muddadii uu ka shaqaynayay Radio Muqdisho Codka Jamhuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya.
Axmed Xasan Cawke wuxuu warkan akhriyay war ku saabsanaa Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Jaalle Maxmed Siyaad Barre seminaar u soo xiray aqoon is-weydaarsi loo qabtay Culuma’udiin Soomaaliyeed.
Warkan wuxuu wariye Axmed Xasan Cawke akhriyay 26/06/1988.
Haddaba waxaad dhageysaneysaan Weriye Cawke oo warkaas akhrinaya
Wadani/RM