Xuuthiyiinta dalka Yeman ayaa shaaciyey inay weerarkii ugu weynaa ku qaadeen caasimadda Sacuudiga ee Riyaad iyo magaalooyin kale, kadib gantaallo iyo diyaarado Drone ah oo ay ku weerarreen.
Afhayeenka ciidamada Yeman ee raacsan Xuuthiyiinta Yahya Saric ayaa sheegay in weerarka Gantaallaha ee lagu caasimadda caasimadda Sacuudiga loo adeegsaday Sawaariiqda Dilfaqaar iyo diyaaradaha is-wada ee Samaad iyagoo duqeeyay magaalooyinka Riyaad, Jizan iyo Casiir.
Afhayeenka ayaa ugu hajabay inay sii xoojin doonan weerrarada haddii Sacuudiga aanu joojin dagaalka uu ka wado dalka Yeman sanadkii lixaad.
Waaberigii saaka ayuu Sacuudigu sheegay inay ka hortageen laba gantaal oo ka yimid dhinaca Yeman, kuwaasoo hawada magaalada Riyaad looga hortegay, waxaase la shaaciyey in laba qof oo shacab ah dhaawac kasoo gaaray firikooda.